U bood dhigaalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Dalka Kusoo Dhoweeyay Ciidan Ka Yimid Eritrea

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray Xarunta Ciidamada Cirka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, halkaas oo ay ka socoto dib u soo celinta Ciidamadeenna tababarka ugu maqnaa dalka Ereteriya.

Madaxweynaha oo dul istaagay hannaanka dib u soo celinta ciidamada ayaa la dardaarmay cutubyo maanta dib u soo laabtay, waxa uuna la wadaagay rajada iyo hamiga shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan in ay ka qeyb-qaataan dagaalka  Al-shabaab, isagoo ku bogaadiyey Taliska Ciidamada Xoogga Dalka sida ay u fulinayaan qorshaha qaran ee tayeynta iyo dib u habeynta Ciidamada Xoogga Dalka.

Ciidamada dib ugu soo laabtay dalkooda ayaa ka kooban Dhulka, Cirka iyo Badda, waxayna isugu jiraan qaar sannado badan ku maqnaa Ereteriya iyo cutubyo sannadkan bilowgiisa la diray kuwaas oo soo dhammeystirtay tababarkooda, si degdeg ahna dalkooda loogu soo celiyey, taas oo meesha ka saartay duruufo badan oo soo food saari jiray dhallinyarada u istaagay diifaca dalkooda, culeysna ku ahayd waalidkii ay ka tageen iyo qarankoodaba.

Dhankooda, Cutubyadan soo noqoshadooda uu la kulmay Madaxweynuhu ayaa soo bandhigay tayada iyo tababarka adag ee ay soo qaateen, waxa ayna muujiyeen farxaddooda ku aaddan in loo sii diyaariyey xarummihii ciidan ee ay lahaayeen, saaxiibadii ka soo horeeyey ee dalka soo gaarnay ay ka soo laabteen fasaxyadii, haatanna ay u diyaarsan yihiin gulufkii xoreynta dalka.

Goobjoog News

Mawduucyada:Banaadir