U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Siweyn Loogu Soo Dhoweeyay Magalada Baydhabo+Sawirro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed Soomaaliya .

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa soo dhoweeyay  Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed, goleyaasha kala duwan iyo bulshada Koonfur-galbeed, kuwaas oo ku suganaa Garoonka diyaaradaha

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu joogo Baydhaba booqan doona deegaanno ka tirsan Koonfur-galbeed ayaa xoogga saaraya abaabulka howlgallada dalka lagag saarayo Al-shabaab ee deegaannadaas.

Koonfur Galbeed ayaa dhowaan waxaa looga dhawaaqay wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab wajigiisa labaad, waxaana durba deegaannada ka bilowday dhaqdhaqaaqyo ciidanku wadaan.

Safarka madaxweynaha ee Koonfur Galbeed ayaa kusoo aadaya xilli xasarad siyaasadeed oo ka dhalatay doorashada ay ka dhextaagan tahay maamulka iyo mucaaradka, iyadoo doorashada dhici doonto 2024.

Goobjoog News