U bood dhigaalka

Guddoomiye Madaale oo Wado Kale Ka Xarig Jaray Waaberi

Sheeko:War

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xariga ka jaray dhismaha Waddada Laamiga Via Liberia ee Degmada Waaberi oo lagu dhisay isku-tashiga Bulshada iyo Barnaamijka dalkaaga ku dhiso hal doolar.

Munaasabadda Xarigjarka waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku-Xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Guddoomiye Ku-Xigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Taliye Ku-Xigeenka Ciidanka Ilaalinta Deegaanka Xamar iyo Maamulka Degmada Waaberi.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ugu baaqay bulshada caasimadda in ay ka qeyb qaataan Amniga iyo horumarka dalka si gaar ah Caasimadda, waxaana uu tilmamaay in bulshada laga rabo ilaalinta wadada.

Mashruuca ku dhiso dalkaaga hal doolar oo dhowaan uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Gobolka ayaa lagu hirgeliyay dhismayaasha wadooyin badan oo caasimadda ah, kuwaas oo intooda badan dayactir lagu sameeyay, waxaana mashruucaan uu noqday mid wax badan ka badalay Muqdisho.

Mawduucyada:Banaadir