U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Gaaray Belgium

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Brussels ee dalka Belgium, waxaana wafdiga Madaxweynaha qeyb ka ah Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomalaiya Abshir Cumar Haruuse.

Madaxwaynaha ayaa halkaas kaga qeybgeli doono shir u dhaxeeya dalalka reer Yurub iyo waddamada soo koraya, kaas oo looga hadlayo iskaashiga labada dhinac. Madaxweyne Xasan ayaa shirkaas ka jeedin doona khudbad uu kaga hadlayo fursada ka jira dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa khudbadiisa sidoo kale kaga hadli doona horumarinta dhaqaalaha iyo halka uu marayo barnaamijka Deyn Cafinta iyo guulaha ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay Al-shabaab ka gaareen, iyada oo laga saaray deeganno badan, kuwaas oo badanaa dhaca Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Madasha oo socon doonta inta u dhexeysa 25-26 Oktoobar 2023 ayaa waxaa isku arki doona madax kale duwan, Madaxweynaha ayaana inta uu ku sugan yahay Brussels waxa uu kulamo la qaadan doonaa madaxda kale ee kasoo qeyb galaysa shirka, kuwaas oo intoda badan xiriir la leh Soomaaliya, taageerana siiya dowladda.

Shirkaan ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xilli wadamo badan oo caalamka oo soo koraya xilligaan ay ku qabaan dhibaato isbeddelka cimilada iyo dhibaatooyinka ka dhasha abaaraha, kuwaas oo intooda badan saameyn ku yeesha bulshada gaar ahaan kuwooda reer miyiga ah ee xoolaha dhaqda sidoo kalena anfacsada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ayaa la filayaa marka uu shirkaan dib uga soo laabto inuu dib ugu laabto magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, halkaas oo uu ka hoggaamin doono dhameystirka howlgalka wajiga 1aad ee dagaalka, xilli dhowaan Koonfur Galbeed looga dhawaaqay abaabulka iyo bilaabashada wajiga 2aad ee dagaalka.

Mawduucyada:Banaadir