U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Istanbuul Kula Kulamay Madaxweynaha Dowladda Turkiga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogaan oo kulan gaar ah ku yeeshay magaalad Istanbuul ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal, xoojinta iskaashiga, wadajirka iyo wax wada qabsiga ka dhexeeya labada shacab ee walaalaha ah.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Madaxweyne Ordogan miro-dhalka wajiga koowaad ee halganka dalka lagaga xoreynayo argagixisada, iyadoo Ciidamada Qalabka Sida iyo Shacabka Soomaaliyeed oo iskaashanaya ay gacanta Al-Shabaab ka saareen in ka badan 80 deegaan iyo degmo oo koox ay ka maamulaysay dalka dhowr iyo toban sano.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyey muhiimadda xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo ku saleysan walaaltinimada labada shacab, danaha iyo aragtiyaha ay wadaagaan labada dowladood iyo taariikhda faca weyn ee ka dhexaysa labada dal, waxa uuna uga mahadceliyey doorka muuqda ee ay ka qaadanayaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Madaxweyne Rajab Dayib Ordogaan ayaa dhankiisa bogaadiyey dadaallada dowladda iyo shacabka Soomaaliya ay ugu jiraan xoreynta iyo dib u dhiska dalkooda, isagoo xaqiijiyey in dowladda iyo shacabka dalka Turkiga ay ka go’an tahay in ay arrinkaas ku gacan siiyaan walaalahooda Soomaaliya.

Labada Madaxweyne ayaa isku afgartay in la dardargeliyo kaalinta ay dowladda Turkigu ka qaadanayso amniga, dowlad dhisidda iyo maalgashiga Soomaaliya, iyadoo la isla qaatay in la bilaabo dhammeystirka iyo fulinta mashaariicda horumarineed ee hore ay u kala saxiixdeen labada dal.