Qaraxyo Ka Dhacay Goobo Ganacsi
Xalay fiidkii hore waxaaa bam gacmeed lagu tuurey BTS ay shirkadda isgaarsiinta Hormuud Telecom ku leedahay deegaanka Muusaaaley ee Ceeelasha biyaha. Inta la ogyahay ma jiraan wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay dhacdadan.
Weerarkan ayaa dhacay wax ka yar 24 saac kadib qarax noociisa lagu sheegay miino jidka lagu aasay oo habeen hore ka dhacay ka soo horjeedka laan ay shirkadda Hormuud ku leedahay degmada Deyniile gaar ahaan agagaarka xero Jarmalka.
Inta la xaqiijiyey ma jiraan wax khasaaro nafeed ah uu sababay qaraxaasi , waxaase burbur xoogan uu gaadhay dhismaha xarunta. Dadka deegaanka ayaa si wayn ugu tiirsan adeegga xaruntani bixiso.
Lama oga sababta loo beegsaday goobahaas ganacsi, mana jirto cid ilaa iyo hada sheegatay masuuliyadda qaraxyadan kala duwan, iyo dad loo soo xirey falalkaas.