U bood dhigaalka

Guddoomiye Madaale oo Ka Warbxiyay Safarro uu Ku Tagay Dibadda, Isaga oo Diray Baaq Ku Aadan El-Nino.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo kulan la qaatay Guddoonka sare ee Maamulka Gobolka Banadir,waxaana ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ku aadan safarro dhowaan guddoomiyaha uu ku tagay dalka dibadiisa.


Guddoomiyaha ayaa ugu horeyn waxa uu ka warbixiyay safar shaqo oo uu dhawaan ku tagay dalka Turkiya iyo kulan uu la yeeshah Duqa Magaalada Ankara, kaasi oo ay labada dhinac isla meel dhigeen xoojinta wada-shaqeynta labada dhinac iyo fulinta heshiisyada mataaneyn ee Ankara iyo Muqdisho.


Shirka ayaa loogu hadlay xal u helida Musiibooyinka ka dhashay roobabkii daadadka watay ee ka da’ay Magaalada Muqdisho, maareynta goobaha ay biyo dhigeen, u-gar gaarida shacabka ay waxyeelada kasoo gaareen iyo soo celinta Bilicda Caasimadda, iyadoona loo mahadceliyay guddiga heer Gobol ee la fal-gelida xaaladaha El-Nino oo iyagu shaqooyin muhiim ah qabtay una taagan samatabixinta Bulshada.


Guddoonka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa qeybaha kala gedisan ee bulshada ugu baaqay in loo midoobo xaaladaha ka dhashay iyo kuwa ka dhalan kara Allaha ummada ka najeeyee saadaasha laga bixinaayo El-Nino ee ah in weli qeybo ka mid ah Gobollada dalka ee kusoo fool leeyihiin roobab.


Ugu dambeyn guddoomiye Madaale aya ashacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa caasimadda ugu baaqay in ay feeljignaadaan, Xilli El-Nino ay wato dabeylo iyo daadad laga cabsi qabo in ay waxyeelo geystaan, sida ka dhacday dalal badan oo ay roobab ba’an iyo duufaanno ay halakeeyeen xilligaan.