U bood dhigaalka

Guddoomiye Madaale oo Kormeeray Goobaha Laga Gurayo Biyihii Roobabku Dhigeen Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kormeer ku tagay goobaha ay biyo dhigeen roobabkii daadadka watay ee ka da’ay Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa ugu horreyn warbixin ka dhageystay Guddiga maareynta iyo xal u helida saameynta ay reebeen roobabkaas oo dhowaan uu magacaabay guddoomiyaha, waxaana caasimadda ka socda dadaallo lagu hagaajinayo goobihii ay biyuhu dageen ee roobabka.

Dhankooda, guddiga ayaa sheegay in inta badan goobihii ay biyo dhigeen roobabkii daadadka watay ee ka da’ay Magaalada la maareeyay, goobaha harsanna la maareyn doonno waqtiyada soo socda, iyadoona sidoo kale ay socdaan shaqooyinka dib-usoo celinta bilicda iyo Nadaafada Magaalada Muqdisho.

Duqa Magaalada mudane Yuusuf Madaale ayaa faray guddiga in sida ugu dhaqsiyaha badan loogu shaqeeyo goobaha ay biyo dhigeen roobabka daadadka watay ee ka da’ay Magaalada Muqdisho, in dib loosoo celiyo bilicda Caasimadda, in la gar-gaaro dadka ay saameynta ku yeesheen roobabkii da’ay iyo in loo diyaar garoobo kuwa soo socda.

Mawduucyada:Banaadir