U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan: Soomaaliya waxaa ay hormuud u noqon kartaa caalamka dhanka Beeraha, Kheyraadka iyo Xoolaha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalayay Madasha Iskaashiga Sucuudiga iyo Afrika ayaa ka warbixiyey xaaladda Soomaaliya gaar ahaan, fursadaha iskaashiga iyo mowqifka Soomaaliya ee ku aaddan garab-istaagga Bulshada reer Falastiin ee duqeyntu ku socoto.

Madaxweyne Xasan ayaa si gaar ah u dul istaagay xiriirka qotadadheer ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo dalka Sucuudiga iyo ahmiyadda sii xoojintiisa, waxaa uu tilmamay madaxweynuhu in Soomalaiya ay ka jiraan fursado dhaqaale wadaag ah, gaar ahaan dhinaca dhaqaalka xoolaha ee loo iibgeeyo wadamada carbeed,beeraha iyo kaluunka.

“Soomaaliya waxaa ay u furan tahay ganacsiga iyo maalgashiga, kheyraadka Soomaaliya aad ayuu u badan yahay, warshadeynta nuucyadeeda kale duwan lagama faa’ideysan, laga bilaabo hadda waxaan rumeysanahy inaan hormuud u noqon karno caalamka dhanka Beeraha, kheyraadka iyo Xoolaha”

Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe dalalka carbeed waxaa hoos u dhac aad u xooggan uu ku yimid dhoofkii xoolaha noolaha, taas oo inta badan loo aaneynayey siyaadda iyo xiriirka labada dhinac oo madmadoow soo galay, laakiin madaxweyne Xasan ayaa qaaday tallaabooyin dib loogu soo celinayo.

Madaxweyne Xasan ayaa hore u sheegay in dalka kheyraadkiisa dhanka xoolaha iyo beeraha la kobcin doono, waxaana jira in dowladda Shiinaha ay hore dowladda Soomaaliya ula gashay heshiis ballaaran oo lagu kobcinaayo beeraha dalka, taas oo sare u qaadaysa in dalka uu helo cunto ku filan iyo dhoofin intaba.

Shirka Sucuudiga iyo Afrika ayaa kusoo aadaya xilli Shiinaha, Ruushka, Midowga iyo Maraykanka ay ku dayayaan in ay galaagan ku yeeshaan Afrika oo hadda soo kobceysa dhan walba marka la eego, waxaana jiray in shirar kale duwan oo caalamka ka dhacay lagu galay heshiisyo kale duwan oo Afrika ay la galeen.