U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wadamada Islaamka Ugu Baaqay Qaadashada Mowqif Mideysan Arrinta Falastiin

Madaxweynaha Soomaliya Dr. Xasan Shiikh Maxamuud oo ka qeybgalaya shirka Iskaashiga Ialaamka ee ka socda dalka Sacuudiga ayaa ugu qaabay dalalka Islaamka in ay miwqif mid ah ka qaataan arrinta Israel ka waddo Gaza.


Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh ayaa muujiyay mowqifka soojireenka ah ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ku garab taagan yihiin gobonimada iyo doonista dowladnimada walaalaha Falastiin ayaa codka Jamhuuriyadda Soomaaliya ku biiriya baaqyada caalamka Islaamka ee ku aaddan joointa xasuuqa iyo isir sifeynta ku socota dadka reer Qasa,isaga oo yiri

“Waxa ka socda Qasa waxaa ay ka soo horjeeddaan damiir aadanaha iyo dhammaan xeerarka iyo dhaqanka Caalamiga ah, si loo joojiyo waa in aan la nimaadnaa go’aan mideysan. Dowlad madax bannaan oo reer Falastiin yeeshaan, caasimadeeduna tahay Qudusta waa xalka kaliya ee lagaga hortagi karo qalalaase amni, siyaasadeed iyo bulsho oo ka dhaca Gobolka”.


“Maanta dunida iyo dadkeena na daawanaya waxaa ay na sugayaan inaan joojino dilka caruurta Falastiin, waxaa ay nooga baahan tahay mowqif mideysan si loo gaaro xal deg deg ah, xabad joojin iyo hubinta in si deg deg ah loo gaarsiiyo gargaar dadka tabaaleysan, qodobadaas oo dhan waa in ay la socdaan go’aanno cadaallad ah oo ku wajahan qadyadda falastiniyiinta” ayaa ka mid ahaa hadallada Dr. Xasan Sheekh.


Dunida caalamka ayaa siweyn uga dhursugeysay tallaabada ay qaadi doonaan wadamada ku jira ururka Iskaashiga Islaamka, taas bedelkeeda waxaa ay mas’uul waliba uu ka hadlay uu sheegay muhiimadda ay leedahay helitaanka dowlad Falastiin ay leedahay oo la daris ah ah Israel.


Magaalada Qasa ayaa waxaa ka socda duqeymo kuwaas oo galay bishii labaad, waxaana inta la xaqiijiyay ku geeriyooday in ka badan 10,000 oo qof, kuwaas oo bulshada qeybaheeda ah kale duwan isugu jira, xilli sidoo kale la duqeeyay goobo waxbarasho iyo isbitaallo ku yaalla Qasa.


Madaxda shirka.eybgashay ayaa si isku mid ah u ayiday in la helo qadyad dhab ah oo lagu joojinayo dagaalka socda iyo sida loogu baahi qabo helitaanka dowlad Falastiin ay leedahay oo caasimadeedu Qudus tahay, madaxda ka hadashay goobta ayaa mid kasta uu sheegay arrintaas.


Magaalada Riyaad ee dalka boqortooyada Sucuudi carabiya waxaa ka soconaya shir ay isugu yimaadeen madaxda dalalka ku mideysan ururka Iskaashiga Islaamka, waxaana inta badan lagu gorfeynayay xaaladda murugsan ee ka taagan magaalada Gaza ee dhulka reer Falastiin