U bood dhigaalka

Guddoomiye Madaale oo Guddoomiyay Kulan Looga Hadlay Saameynta Roobabka Ka Da’aya Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay Shirka Degmooyinka iyo Deegaannada Gobolka Banaadir, iyada oo xoogga lagu saaray xaaladda gobolka musiibooyin ka dhashay roobabka da,aya.

Shirka waxaa lagu soo bandhigay xaaladihii ugu danbeeyay gobolka iyo saameynta dhibaatada ka daran ee dhalan karta roobabka iyo daadadka El-Nino ee ka da’ay Muqdisho, soo celinta Nadaafada & Bilicda iyo dar-dargelinta Amniga Magaalada Muqdisho, xilligaan oo lagu jiro roobka dayrta oo siweyn u da’aya.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin kale duwan oo maamulka gobolka ah uu qeyb ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda iyo Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo deegaannada gobolka Banaadir ee xilligaan wajahaya roobabka.

Shirkaan ayaa kusoo aadaya iyadoo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho maalmihii lasoo dhaafay ay ka da’een roobaab xooggan, kuwaas oo biyo dhigay inta badan caasimadda Muqdisho, waxaa ay kala gooyeen qeybo kamid ah degmooyinka gobolka, iyadoo ay socoto biyaha laga qaadayo waddooyinka.