U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kulamo Dooceedyo Riyaad Kula Qaatay Madax Carab iyo Afrika ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo shirar dhowr ah uga qeyb galayay magalaada Riyaad ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa halkaas kulamo duuceedyo kula qaatay madaxii kasoo qeyb gashay shirarka ka dhacaya Riyaad ee Afrika iyo Carabta isugu jira.


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan-doceed la qaatay Madaxweynaha dalka Eretariya Mudane Isaias Afwerki oo ay ka wada qeyb-galeen Shirka Sacuudiga iyo Afrik ee Riyaad, kaas oo looga hadlayay iskaashiga dhaqaalaha iyo amniga.


Labada Madaxweyne oo ka wada halday xaaladda gobolka ayaa adkeeyey xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya shacabka Soomaaliya iyo dhiggooda Ereteriya, waxayna isla qaateen in la sii xoojiyo, wadajirna loo wajaho caqabadaha ay wadaagaan labada dal, xilli labada dowlad ay xiriirkooda dib soo celiyeen.


Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale kulan dooceed la yeeshay Madaxweynaha dalka Ciraaaq Mudane Abdul Latif Rashid oo hoggaaminayey wafdiga dalkiisa ee ka qeyb-galay shirka dalalka Islaamka, kaas oo siweyn loogu gorfeeyay xaaladda murugsan ee heysata bulshada reer Falastiin.


Soomaaliya iyo Ciraaq oo leh xiriir dhaqan iyo mid bulsho ayaa waxaa ay ka wada-hadleen is-dhaafsiga khibradaha iyo xirfadaha la xiriira dagaalka, maadaama muddo ay la dagaalamayeen AS iyo AlQaacida, iskaashiga amniga iyo danaha wadajirka ah ee ka dhaxeeya Labada shacab ee walaalaha ku ah Islaamka.