U bood dhigaalka

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Safiirka Jarmalka oo Ka wada Hadlay Fatahaadaha iyo Arrimo kale

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta la kulmay safiirka Jarmalka ee Soomaaliya Amb. Sebastian Groth.

Kulanka labada mas’uul ayaa oo looga hadlay nabad dhiska, gargaarka banii’aadnimoiyo dhibaatooyinka fatahaadaha ku dhuftay dalka iyo sidii Jarmalku uga qeyb qadan la heyd

Amb. Sebastian Groth safiirka Jarmalka ee Soomaaliya oo goobta ka hadlay ayaa adkeeyey sida dalkiisu ugala shaqeynayo xukuumadda Soomaaliya arrimaha hortabinta u leh dowladda dhexe.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, ayaa dhankiisa uga mahadceliyay dowlada Jarmalka iyo saxiibada kale ee caalamiga ah sida ay Soomaaliya uga taageeraan arrimaha la xiriira qaran dhiska.

Kulanka wasiirka uu laqaatay safiirka dalka Jarmalka ayaa kusoo aadaya xilli dalka ay jiraan fatahaado xoogga, kuwaas oo saameyn ku yeeshay dad badan oo ku nool gobollada dalka.