U bood dhigaalka

Shirweynaha Qaran ee Maareynta Hubka iyo Rasaasta Soomaaliya oo Muqdisho Ka Furmay

Sheeko:Amniga

Lataliyaha Amniga Qaranka Madaxweynaha Jamhuuriyadda, mudane Xuseen Sheekh Cali ayaa Shir guddoomiyey shirweynaha qaran ee maareynta Hubka iyo Rasaasta Soomaaliya, kaas oo ay ka qeyb galayaan mas’uuliyiin kale duwan oo amniga iyo hubka qaabilsan.

Shirka ayaa xoogga lagu saaray qiimeynta horumarka laga gaaray qorshe hawleedkii sanadlaha ahaa iyo caqabadaha lala kulmay xilligii hirgelinta, oddoroska hawlaha hortabinta leh, dhaqangelinta Istaraatijiyada Qaran ee maamulidda iyo maaraynta hubka.

La-Taliyaha amniga qaranka Xuseen Macallim ayaa ku dhiirageliyay xubinihii farsamada ee ka soo qeyb galay shirka in ay dadaalkooda laba jibaaraan ayaa sidoo kale ka sheegay shirka in Soomaaliya ay rajo fiican ka qabto in laga qaado cunaqabateynta hubka iyo rasaasta ee muddada dheer saaran.

Ugu dambeyn La-Taliyaha Amniga Qaranka ayaa uga mahad celiyey wasaaradaha iyo hay’adaha amniga, horumarka ay ka gaareen shurudiihii lagu xiray soomaaliya in laga qaado cunaqabateynta hubka, isaga oo sidoo kale u mahaceliyey saaxibada caalamka garab istaagga ay u muujiyeen dalkeenna.