U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan oo Hey’adaha Amniga Kala Hadlay Amniga iyo Howlgalka Ka Dhanka ah Shabaab.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay kulan la ay isugu yimaadeen Saraakiisha iyo Taliyeyaasha Ciidamada xoogga dalka iyo Booliiska, isagoo kala hadlay xaaladda guudd amniga ee dalka, dardargelinta howlagallada ka dhanka ah Shabaab iyo arrimo kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka dhagaystay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka warbixin ku saabsan wajiga koowaad ee howlgalka xoreynta ayaa tilmaamay in hirgalinta qorshaha mudada dhow ay horseedayso guulaha ay sugayaan shacabka Soomaaliyeed ee ku aadan dhameystirka wajiga koowaad ee dagaalka Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey naf-hurnimada Ciidanka Soomaaliyeed ee u istaagay xoreynta deegaannada ay kaga harsan yihiin dalka, waxa uuna xusay in abaabulka xoogagga dadweynaha ay wax weyn ka tari doonto howlgalka ka socda dalka, xilli kooxda deegaanno laga saaray.

Kulankan waxaa ka qeyb-galay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxuyadiin iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Sulub Axmed Firin, kaas oo looga hadlay arrimaha amniga dalka.

Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dowladdu ay ku guda jirto howlgal Lagu xorreynayo bariga Galgaduud iyo deegaanno dhaca gobolka Mudug.