U bood dhigaalka

Kismaayo: Ra’iisulwasare Xamse oo Kulan La Qaatay Qeybaha Kale Duwan Ee Bulshad

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo la kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaalada Kismaayo, ayaa ku boorriyey in ay hormuud u noqdaan dagaalka lagu qaadayo Al-shabaab oo dhawaan uu wajigiisa labaad ka bilaaban doono deegaannada Jubaland.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa bulshada qeybaheeda kala duwan ee uu la kulmay uga warbixiyey dadaallada xukuumadda ee la xiriira dowlad-dhiska Soomaaliya, dagaalka dalka looga saarayo waxa uu ugu yeeray argagixisada iyo gurmadka dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen roobabka daadadka wata ee ka da’aya dalka El-Nino.

Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa dhanka kala sheegay arrimaha waaweyn ee horyaalla Xukuumadda in ay kamid yihiin qabyo-tirka dastuurka KMG ah, dayn cafinta oo dhammaad ku dhow iyo amniga oo ay ugu horreyso ciribtirka Khawaarijta iyo la wareegidda amniga Qaranka marka ay baxaan ciidanka ATMIS dhammaadka sanadka danbe.

Dhankooda, kamid ah qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah oo kulanka ka hadlay ayaa bogaadiyey dadaallada xukuumadda ee la xiriira, sugidda amniga, dagaalka lagula jiro kooxda, u gurmadka dadka dhibaateysan iyo dadaalka dowlad-dhiska Soomaaliya, xilli Jubbaland ay wajahayso fatahaado.