U bood dhigaalka

Muqdisho: Kulanka Qorshe Howleedka Aragtida Horumarka qaran eee Qarni jirsiga Soomaaliya ee 2060 oo lasoo Gabogabeeyay

Sheeko:Ganacsiga

Waxaa maanta caasimadda Muqdisho lagu soo gabogabeeyay shir labo maalin socday ee Golaha Dhaqaalaha Qaran kaas oo lagu soo bandhigay “Qorshe Howleedka aragtida horumarka qaran ee qarni jirsiga Soomaaliya ee 2060”.


Kulanka ayaa waxaa daahfuray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyada oo ay kasoo qeybgaleen Ra’isul Wasaare kuxigeenka dalka mudane Saalax Jaamac, golaha xukuumadda, kuwa dhaqaalaha qaranka, iyo mas’uuliyiin kala duwan, loogana hadlay ujeedada shirka, horumarka dhaqaale, xasilloonida Soomaaliyeed iyo Hiigsiga Soomaaliya ee 2080-ka.


Shirka inta uu socday waxaa lagu soo bandhigay aragtiyo, cilmi baarisyo iyo hiigsi laga soo uruuriyay qeybaha bulshada, kaas oo lajaanqaadi kara qorshaha qaranka.
Waxaa jawaabo loo raadiyay sababta loogu baahanyahay aragtida qarni jirsiga Soomaaliya iyada oo lajaanqaadayo qorsheyaasha hadda socda, wejida ay tahay in ay yeelato aragtida dhaqaale ee qarni jirsiga, caqabadaha iman kara iyo sida looga kabanayo.


Waxaa kale oo la isdul istaagay horumarrada dhaqan, dhaqaale iyo bulsho ee Soomaaliya iyada oo xoogga la saarayo daraasado isbarbardhig ah oo dalalka caalamka ah.
Howshan oo hadda bilow ah ayaa lagu wadaa in golaha dhaqaalaha qaranka oo arrintan hormuud ka ah ay sii wadaan, si ugu dambeyn loo gaaro aragti sax ah oo dhaqaale taasi oo ay isbadal horseedi karta 2060-ka.