U bood dhigaalka

Hiiraan: Xoogga Dalka oo Fuliyay Howlgallo Ka Dhan ah Shabaab

Ciidanka xoogga dalka qeybta 27-aad oo taageero ka helaya kuwa deegaanka ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa ay howlgallo ka wadeen deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan, kuwaas oo ay ku sugnaayeen Al-shabaab, taliska ciidanka ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgalladaasi.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed qeybta 27-aad Faarax Cali Waasuge, Faarax Kooshin ayaa fsheegay in mudo todobaad ah howlaglku uu ka socday deegaanno u dhaxeeya magaalooyinka Baledweyne iyo Buulaburte ee gobolka Hiiraan oo lagu gaaray goobo xusub.
Taliyaha oo hadalkiisa siiwato ayaa sheegay howlgallada ay iska kaashanayeen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka in laga gaaray guulo la taaban karo, islamarkaana ciidamadu ay ku qabsadeen dhul baaxad leh oo ay Al-shabaab joogeen oo gaaray 115 KM.

“Howlgalka waxuu ahaa mid lagu najaxay oo dhul dheer ilaa 115 Kiilo-mitir lagu soo maray, waxaana meel waliba oo ay tageen looga dabatagay nimankii khawaariijta aha, howlgalka waxuu kasoo billowday degmada Buulaburte aagga kalabayr” ayuu yiri Taliye Kooshin.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa maalmihii ugu dambeeyay howlgallo ka waday deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan, waxaana howlgalkaan uu ahaa mid lagu soo gabagabeynayo wajiga koowaad, ciidanka ayaa ku wajahan deeganno dhaca Galbeedka.