U bood dhigaalka

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo Qaadaneysa 3,000 oo Macalimiin ah

Sheeko:Waxbarashada

Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee JFS ayaa sheegtay in markale ay qaadanayso macalimiin cusub, kuwaas oo tiradoodu gaareyso 3,000 oo macalimiin si loo xaliyo baahida waxbarasho ee ubadka Soomaaliyeed, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaaradda.

Wasaaradda ayaa dhowaan soo gabagabeysay qaadashada macalimiinta, oo howlgalay bishii Setember ee sanadkaan, tirada macalimiinta ayaa hadda gaareysa 6,000 oo macalimiin oo qeyb ka ah 10,000 oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu ku dhawaaqay in la qaadan doono.

Macalimiinta dowladdu ay qaadaneyso ayaa waxaa ay ka kala imaanayaan gobolka Banaadir iyo dowlad goboleedyada, waxaana ay marayaan imtixaan lagu kala saarayo, markaas kadib ayaa waxaa u furmaya tababar soconaya muddo sedex bilood oo aqoon kororsi lagu qaadanyo.