U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan oo Maanta Sixiixay Heshiiska Xubinimada EAC

Munaasabad maanta ka dhacday Entebbe ee dalka Uganda ayuu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku saxiixay heshiiska ku biiritaanka Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo dhowaan ay xubin buuxda ka noqotay dowladda federalka.

Madaxweynaha oo jeediyay hadal kooban ayaa tilmamaay muhiimadda ay u leedahay Soomaaliya daladda bariga Afrika ” “Muhiimadda juqraafiyeed ee Soomaaliya waxay sare u qaadi doontaa muhiimadda Dallada Bulshada Bariga afrika ee caalamka.”

Madaxweyne Xasan ayaa sixiixay heshiiskaan xilli uu garab fadhiyeen hoggaamiyaha dalladda bulshada afrika ahna hoggaamiyaha dalka Burundi, Ndayishimiye iyo hoggaamiyaha dalka Tanzania haweenayda lagu magacaabo Samia Suluhu, madaxweynaha ayaa ka mahadceliyay.


Fadhigii ka dhacay magaalada Aruusha oo ay isugu yimaadeen madaxda dalalka ku jira (EAC) ayaa 24-kii November aqbalay xubinimada dowladda Soomaaliya, Waxaana ku jira Soomaaliya, Kenya, Ruwanda. Uganda, Tanzania, DR Gongo, South Sudan iyo dalka Burundi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomalaiya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddo gaaban uu joogay xafiiska waxaa uu xaqiijiyay hadafyo waaweyn oo dowladnimada sal u ah, sida ku biirista suuqa bariga Afrika, Cunaqabateyntii oo la qaaday iyo cafinta 5.3 Bilyan.