U bood dhigaalka

Madaxweynaha Dalka iyo Mas’uuliyiin Kale oo Ka Qeygalay Janaasada Marxuumad Khadiijo Diriye

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan Madaxda Qaranka ayaa Garoonka Diyaaradaha Aaddan Cabdulle Cismaan si wada jir ah ugu la tukaday salaadda Jannaasada Alle ha u naxariistee Marxuumada Khadiija Maxamed Diiriye.


Dhanka kale masuuliyiin,xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,wasiirro iyo qayabaha kala duwaan ee bulshada ayaa qayb galay ogista salaadda jannaasada marxuumad Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye oo ahayd wasiir ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.


Salaada jannaasada ee marxuumadda ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay Ra’iisul Wasaarahaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ehelka Marxuumad Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye, Madaxweynihii 7-aad ee dalka Shariif Sheekh Axamed iyo Ra’iisul Wasaarayaal hore.


Allah unaxariistee marxuumad wasiir Khadiija ayaa maalinimadii shalay ku geeriyootay isbitaal ku yaalla dalka Jabuuti, waxaana lagu wadaa in lagu aasoIsbitaalka xoogga qaranka, halkaas oo lagu aaso mas’uuliyiinta dowladda ka geeriyoota iyo ciidanka dowladda xoogga dalka, marxuumadda ayaa 25 sano kujirtay siyaasadd.