U bood dhigaalka

Wadaxaajoodka Soomaaliya iyo Somaliland oo Ka Furmay Jabuuti iyo Madaxweyne Geelle oo Marigelinaya.

Magaalada Jabuuti ee caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti waxaa si rasmi ah uga furmay wadahadallada lagu anbo qaaday dadaallada la isugu soo dhoweynayo madaxda Soomaaliya iyo Somaliland si halkaas looga siiwado wadahadalladii u dhaxeeyay labada dhinac, waxaana martigelinaya madaxweyne Geelle.


Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga uu horkacayo ka mid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha ee DFS Mudane Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Ganacsiga ee DFS Mudane Jibriil Cabdirashiid iyo Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa ku sugan dalka Jabuuti iyadoo lafilayo in ay jiraan kulamo dhowr ah.


Madaxweyne Buuse Biixi ayaa dhankiisa horkacaya wafdi uu qeyb yahay wasiirrada horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), Arrimaha Gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Waxbarashada iyo xubno kale.


Wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka noqon doona labada ergay ee u qaabisan Wadahallada Cabdikiim Xuseen Guuleed iyo Adna Aadan Ismaaciil, labada dhinac ayaa dib anbaqaadaya wadahadalladooda muddo kadib uu hakad ku jiray marka leego oo madaxda ay kulmaan.