U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Oo La Hadlaya Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed mudane, Xasan Sheekh Maxauud ayaa lagu wadaa in maanta uu Khudbad u jeediyo Baarlamaanka Labadiisa Aqal, kuwaas oo Shir deg-deg ah la isugu yeeray, xilli uu soo baxay heshiis dhanka badda ah oo Itoobiya ay la gashay Somaliland.

Xoghayaha joogtada ah ee Golaha Shacabka Soomaaliya , Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in kulankani deg-degga ah uu daarran yahay xaaladda guud ee dalka, waxaana la filayaa in khudbadda madaxweynaha uu kaga hadlo heshiiska la hadalhaayo.

Kulanka baarlamaanka ayaa dhacaya iyada guddoonka labada aqal, madaxweynaha jamhuuriyadda, madax hore iyo siyaasiyiin ayaa kulan aan caadi aheyn isugu yimid habeenimadii xalay waxaana siweyn looga hadalay heshiiska dowladda Itoobiya ay la gaartay Somaliland, waxaana la filayaa in go’aanno adag ay kasoo baxaan shirka golaha iyo wasiirrada.

Dhowaan ayey aheyd markii heshiis uu garwadeen ka ahaa madaxweynenaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud uu heshiis Jabuuti kula gaaray madaxweynaha Somaliland, kaas oo dib loogu anbo qaadayo wadahadallada u dhaxeeya labada, kaas oo muddo hakad ku jiray, arrintaan ayaa hadalheyn dhalisay.