U bood dhigaalka

Mudug: Duqeymo Lagu Dilay Saraakiil Shabaab ah oo Ka Dhacday Koonfurta Mudug

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal dhanka cirka ah iyo dagaallo ka dhacay Koonfurta gobolka Mudug, waxaana dowladdu sheegtay in howlgalkaas lagu dilay saraakiil ka tirsan Al-shabaab, kadib markii la duqeeyay goobo ay ku sugnaayeen aagga magaalada Camaara oo siweyn loogu dagalamay.


Weerarka ayaa waxaa uu si gaar ah uga dhacay deegaan lagu magacaabo Jeexjeexa oo hoosta Caad oo ay shalay ku dagaalameen ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya Daraawiishta Galmudug iyo Al-shabaab, bayaan kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in lagu dilay duqeynta 26 ka tirsan kooxda Al-shabaab.


Duqeymaha ka dhacay Deegaanka Jeexjeexa ayaa kusoo aadaya xilli maalintii shalay lagu dagaalamay waxaana ka dhashay khasaare xooggan, iyadoo halkaas uu ku geeriyooday Allah unaxariistee taliyihii guutada 18-aad ee ciidanka Gorgor Abaanduule Cabdi Maxamed Suul-nuug oo ku baxay dagaalkaasi.


Gobolka Mudug ayaa intiisa badan Waqooyiga iyo Koonfurta waxaa laga saaray Al-shabaab, xilli ay dowladdu dhowaan sheegtay in howlgalka Galmudug uu marayo heer gabagabo ah, marka laga eego baaxadda dhulka deegaannada Galmudug ee kooxda looga saaray wajiga koowaad ee dagaalka socda.