U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u Safray Dalka Eriteriya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta safar shaqo ugu ambabaxay dalka Eriteriya, halkaas oo uu kula kulmi doono Madaxweynaha dalka Eriteriya mudane Isaias Afwerki.

Madaxweynaha iyo Isaias Afwerki ayaa ka wadahadli doona arrimaha gobolka iyo xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal, xill dowladda Eriteriya dhowaan uu tabar ugu soo idlaaday ciidamo kale duwan oo xoogga dalka ka tirsan.


Madaxweyne Xasan Sheekh safarkiisa ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee gobolka uu ugu ambabaxo tan iyo markii ay soo baxday xiisadda u dhaxeysa dowlada Soomaaliya iyo Itoobiya eek u aadan heshiiskii laga galay badda Seylac.