U bood dhigaalka

Ciidanka Dowladda iyo Kuwa Deegaanka oo isku Fidoyay Aagga Galhareeri

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo taageero ka helaya kuwa deegaanka ayaa howlgallo ka bilaabay qeybo kamid ah deegaannada dhaca bariga gobolka Galgaduud, ciidanka ayaa isku fidiyay deegaanno hoostaga Galhareeri, waxaana gobolka gaaray ciidamo kale si ay u kaabaan kuwii hore.

Deegaannada Galmudug ayaa dowladdu sheegtay in dhowaan laga soo gabgabeynayo Al-shabaab, waxaana hadda inta badan gobolka Mudug laga soo saaray kooxda marka laga reebo deegaanno yar, dowladda ayaa markaan xoogeeda isugu geynaysa sidii Bariga gobolka looga saari lahaa Al-shabaab.
Xoogga dalka iyo sidoo kale xoogagga deegaanka ayaa qorsheynaya in deegaannada Hirshabeelle laga bilaabo howlgallo, gaar ahaan dhanka Galbeedka, waxaana socda abaabulkii ugu dambeeyay uu hor- boodayo Ergayga ciidamada deegaanka u qaabilsan madaxweynaha dalka Cali Jeyte Cismaan.

Qorshaha ugu horeeya ee ciidanka xoogga dalka ayaa ah sidii Al-shabaab looga saari lahaa Galhareeri oo magaalo marin muhiim u ah isku xirka gobolka Galgaduud, waxaana xigi doona magaalooyinka Ceelbuur, Waxbo oo dhaca bariga gobolka Galgaduud oo dowladdu dhowaan ay ciidankeedu dib uga soo laabteen.


Howlgallada kasoconaya deegaannada Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa waxaa dhinac socdo howlgallo ay sigaar ah u wadaan ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaran, kuwaas oo maalin ka hor Baladweyne ku qabtay Shabakad kusiijeeday deegaannada hoostaga Galgaduud iyo qeybo gobolka Hiiraan ka tirsan.


Dhaqdhaqaaqyada ciidan ee ka socda Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa kusoo aadaya xilli muddooyinkii dambe howlgalkii ugu adkaa uu ka socday qeybo kamid ah gobolka Mudug, halkaas oo kooxda looga saaray magaalooyin muhiim ah, waxaana barbar socday duqeymo dhanka cirka ah oo meelo ka dhacay.