U bood dhigaalka

Shiinaha: Waxaan Taageersanahay Midnimada Dhuleed ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miradhal ah la qaatay Safiirka Jamhuuriyadda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mudane Fei Shengchao, iyaga oo ka wadahadlay arrimo dhowr ah oo kamid yihiin xiriirka labada dalka iyo gobolka.

Safiir Fei ayaa la wadaagay madaxweyne Xasan Sheekh taageerada dalweynaha Shiinaha ee ku aaddan gobonimada, madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, xilli gobolka geeska Afrika ay ka soo cusboonaatay xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya ee ku aaddan heshiiskii isafgarad.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka mahadceliyay mowqifka adag ee dowlada Shiinaha ay ku garab istaageen qaranimada iyo madaxbaaninda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo muujiyay muhiimadda ay u leedahay ilaalinta sharuucda caalamiga ah, xasilloonida iyo degenaanshaha Geeska Afrika oo udub-dhexaad u ah nabadda Caalamka.

Dhankiisa, Safiir Shiinaha Mudane Fei Shengchao ayaa tilmaamay in Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ay u aqoonsan tahay Somaliland in ay tahay qeyb ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, islamarkaana ay adkeynayso ilaalinta Axdiga Qaramada Midoobay.