U bood dhigaalka

Mudug: Howlgallo Ka Dhan Shabaab oo Ka Socda Howdka Dhanka Koonfureed

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo taageero ka helaya Daraawiishta Galmudug iyo kuwa difaaca shacabka ayaa howlgallo ka wada qeybo kamid ah Koonfurta gobolka Mudug, kaas oo looga golleeyahay sidii Al-shabaab looga saari lahaa deegaannada ay kaga sugan yihiin Koonfurta gobolka Mudug.

Howlgalladaan ayaa si gaar ah uga dhacaya dhulka miyiga ee u dhaxeeya magaalooyinka Jowlo, Caad, Dumaaye,Dabagalo iyo Jeexjeex,halkaasi oo dhowr jeer lagu dagaalamay, saraakiisha dowladda ayaa sheegtay in howlgalkaan uu yahay kii ugu dambeeyay Al-shabaab looga saarayo gobolka Mudug.

Qaar kamid ah taliyaasha ciidanka eek u sugan goobaha furimaha in deegaannada qaar ay isaga baxeen Al-shabaabkii ku sugnaa, Galmudug ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa gaarayay ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo ku biiraya howlgalka ka socda Koonfurta Mudug.

Ciidamada huwanta ah ee ka howlgala gobolka Mudug ayaa ku guuleystay in Al-shabaab laga saaro inta badan gobolka, marka la eego magaalooyinka qadiimiga ah oo ay muddo kooxdu maamuleysay ooh adda dowladdu ay gaartay, sida magaalooyinka Xarardheere iyo Bacaadweyne oo Koonfurta iyo Waqooyiga ah.


Marka laga tago gobolka Mudug sidoo kale ciidanka dowladda ayaa howlgallo ka wada Bariga gobolka Galgaduud, halkaas oo ciidanku ay doonayaan in ay ku gaaraan magaalooyin hor leh marka la eego, xilli ciidamadii ugu badnaa dowladdu ay ku daabushay Galgaduud oo Milatari iyo difaaca shacabka isgu jira.

Howlgallada ka socda deegaannada Galmudug ayaa kusoo aadaya xilli dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo abaabul uu ka socdo deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan, gaar ahaa howlgallo la damacsan yahay in dowladdu ay ku gaarto Galbeedka gobolka deegaannada dhaca, waxaana horkacaya Ergay Macawisleyda Cali Jeyte.