U bood dhigaalka

Sarkaal Shabaab ah oo isku dhiibay Dowladda Soomaaliya

Yuusuf Xasan Cusmaan oo magaciisa afgarashada ee Al-shabaab looga yaqaano uu yahay (Diyaarsane) oo ayaa isku soo dhiibey Taliska Qeybta 60-aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyed ee xaruntiisa magaalada Baydhabo, iyadoo ciidanku ay soo dhoweeyeen wareysina uu bixiyay.

Yuusuf Diyaarsane oo muddo 15 sano ah Shabaab ku jirey gaar ahaan laga soo bilaabo midowgii Maxkamadihii isku badaley Xisbul Islaam, Raaskanbooni iyo Hadda oo uu kamid ahaa kooxda Al-Shabab ayuu ku biirey 2009-kii isaga oo markaas ka raacay degaanka Buulla Fulaay.

Al-shabaab ayuu u qaabilsanaa Jabhada, isagoona ka qeyb qaatey dagaalo dhowr ah oo ka dhacay qeybo ka mid ah gobolada Baay, Bokool, Mudug, Galgaduud, Hiiran, Shabeelooyinka, Jubooyinka iyo gobolka Banaadir, waxaana ugu dambeyn uu manta isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka.

Sarkaalkan ayaa sidoo kale kasoo dagaalamay dalalka dariska ah ee Kenya iyo Itoobiya. Yuusuf oo haatan dhaawac ah ayaa isku soo dhiibey ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyed sida u uku sheegay wareysi uu dhiibay, waxaana u uku baaqay in saaxiibadiisa ay ciidanka isku soo dhiibaan.

Tan iyo markii deegaannada Koonfur Galbeed looga dhawaaqaya bilaabashada wajiga labaad ee dagaalka kooxda waxa soo baxayay dhallinyarada isku soo dhiibaya ciidanka xoogga dalka qeybta 60-aad, kuwaas oo muddo ka barbar dagaalamayay Al-shabaab oo dowladda dagaal kula jirta.