U bood dhigaalka

Dhuusamareeb: Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh oo Bilaabay Kulammo Kala duwan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo Axaddii ku laabtay Dhuusamareeb ayaa durba waxaa uu bilaabay kulamo kala duwan, kuwaas uu la qadanayo bulshada kuna qotoma sidii dowladda loogu taageeri lahaa dagaalka Al-shabaab iyo howlgallada

Madaxweynaha ayaa kulamo lagu dardargelinayo dagaalka Dhuusamareeb kula qaadanaya madaxda sare ee Galmudug, taliyeyaasha ciidanka howlgallada ku jira, waxgaradka iyo bulsha, Galmudug iyo maamulka Hirshabeelle waxa maalmihii dambe gaarar ciidamo hor leh oo ka ambabaxay magaalada Muqdisho.

Dowladda ayaa ku guuleysatay in Al-shabaab laga saaro inta gobolka inta badan deegaannada Galmudug, waxaana la oran karaa gobolka Mudug ayaa gacanta ugu jira dowladda deegaannadiisa muhiimka ah, xilli gobolka Galgaduud uu yahay halka ay ku qaadi doonto howlgallo ballaaran oo looga saarayo Al-shabaab.

Ciidanka xoogga, Daraawishta Galmudug iyo kuwa deegaanka ayaa bilihii ugu dambeeyay Shabaab kala wareegay magaalooyin muhiim ah, kuwaas oo muddo kooxda ay ka talinaysay, malooyintaan ayaa inta badan dhaca Koonfurta iyo Waqooyiga gobolka Mudug oo dowladdu isugu geysay awoodeeda ciidan.

Magaalooyinka Bacaadweyne, Laasgacameey, Shabeelloow, Caad iyo Camaara ayaa kamid goobihii ugu dambeeyay ee kooxda laga saaray, xilli Al-shabaab ay ku sugan yihiin deegaan Jeexjeex oo muddo lagu dagaalamay, Alshabaab ayaa isaga baxay deegaannada Dumaaye, Dabagalo iyo deegaanka Jowle.

Howlgalkaan lagusoo afjaro wajiga koowaad ee dagaalka ayaa sidoo kale lagu qaadayaa bariga gobolka Galmgaduud, dowladda ayaa qorsheynaysa sidii ay kula wareegi laheyd magaalooyinka muhiimka ah ee Ceelbuur, Galhareeri, Wabxo, Ceelgar iyo Ceellahelay, dowladda ayaa dib ula wareegtay Ceeldheer.

Howlgalkaan ayaa kaalin muhiim ah ku yeelanaya ciidanka deegaanka, waxaana hoggaamin doona Ergayga madaxweynaha u qaabilsan ciidanka iyo taliyihii hore ee xoogga dalka Odawaa Yusub Raage, waxaana ay ka howlgali doonaan Galmudug iyo Galbeedka gobolka Hiiraan ee maamulka Hishabeelle.