U bood dhigaalka

Jabuuti oo Ciidamo cusub usoo Dirtay Soomaliya Si ay Uga Qeyb Noqdaan Dagaalka Al-shabaab

Dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa ciidamo hor leh usoo dirtay Soomaaliya, kuwaas oo badelidoona ciidankii hore u joogay oo dib ugu laabatay dalkooda, Jabuuti ayaa sheegtay in diyaar ay u tahay diyaar in ay tahay dowladda Soomaaliya ay kacan siiso amniga inta ay ku filnanayso ammaankeeda guud ee dalka.

Wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti General Sakariye Sheekh Ibraahim oo goob fagaaro ah kula hadlayay ciidanka usoo ambabaxayay Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya Jabuuti ay u heysto abaal weyn oo loo baahan yahay in maanta ay ku garab istaagaan inta ay dib usoo kabsadaan oo cagaheeda ugu istaagi.
“Soomaaliya gurmadkii ay noogashay si aan u xorowno, waxaan ugu abaalgudnay inaan dhiiggeennna u shubno, iyagu hadal iyo dadaal ayey nagaliyeen si aan u xorowno, laakiin waxaan ugu badalnaya inaan dhiig u shubno oo aan halkaas ku dhimano, dowlad kastana sidaas ayaa usoo caawinaynaa” ayuu yiri

Ciidanka Jamhuuriyadda Jabuuti ee soo gaaray Soomaaliya ayaa ka duwanaan doona ciidankii hore ee howlgalka ATMIS, waxaana markaan ay qaadan doonaan doorka kaga aadan dagaalka ka dhanka kooxda Al-shabaab, kadib heshiiskii wasaaradda Gaashaandhigga iyo howlgalka midowga Afrika ay wada galeen.

Heshiiskaas ayaa waxa lagu qeexay in ciidanka ATMIS kahor bixitaankooda dabayaaqada 2024 in ay ka barabardagaalamaan ciidanka xoogga dalka, waxaana howlgalkaan oo soo bilowday 2007 16 sano kadib uu soo dhammaanayaa sanadkaan 2024, ciidanka xoogga ayaa goobo badan kala wareegay ciidankaan.

Dowladaha Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Uganda iyo Burundi ayaa qeyb ka ah dalalka Soomaaliya ugu deeqay ciidanka si ay kaga adkaadaan Al-shabaab, laakiin dib u xoogeysashada ciidanka xoogga dalka ayaa aad hoos ugu dhigtay doorka dagaalka ee Midowga Afrika badal ahaan dowladda ayaa qaadatay deegaanka.