U bood dhigaalka

Shacabka Nigeria oo Wajahaya Sicir-bararkii Ugu Sareeyay Muddo 18 Sano ah

Sheeko:Ganacsiga

Xogta dhaqaalaha ee la daabacay maanta oo Talaado ah, ayaa muujisay in sicir-bararka Nigeria uu kor u kacay heerkii ugu sarreeyay muddo 18 sano ah, taas oo ka dhalatay kor u kaca qiimaha gaadiidka iyo cuntada, taas oo keentay cadaadiska badan ee saran bangiga dhexe.

Wakaaladda wararka ee Bloomberg ayaa sheegtay in sicir bararka uu gaadhay heerkii ugu sarreeyey tan iyo bishii Sebtembar 2005, intii lagu jiray bishii Luulyo, iyada oo xustay in celceliska ay ahayd 23.6%, heerka sicir-bararka bishana waxa uu gaadhay 2.9%.

Kor u kaca qiimaha ayaa ah mid baahsan, iyadoo heerka sicir bararka cuntada uu gaaray 27% sanadkan, halka bishii ka horeysay uu ahaa 25.3%. Falanqeeyayaasha ayaa sheegay in shidaalka oo qaali ah iyo lacagta Neerada oo awoodeeda hoos u dhacday ay qeyb ka yihiin dhibaatadda sicir barar eek u habsatay wadanka.


Markii uu xafiiska yimid madaxweyne Bola Tinubu wuxuu bilaabay tallaabooyin dhaqaalaha dib loo qaabeeyo. Wuxa uuna meesha ka saaray culeesya walna oo dhaqaalo kuwaas oo ragaadinaayay inuu kor u kac dhaqaale wadanku sameeyo, kabidda inu shidaalka hoos u dhigo ayuu bilaabay si, si uu isugu dayo in uu soo celiyo kobaca dhaqaale.

Shalay Volashoden Shonobi, oo ah Ku-simaha Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Nigeria, mar uu lahadlaayay saxaafadda waxa uu carabaabay, eedan dusha usaaray,dadka waxa uu yir, waxa ay mas’uul ka yihiin farqiga u dhexeeya qiimaha rasmiga ah ee doolarka iyo qiimaha uu ku joogo suuqa madow, wuxuuna sheegay in bangigu si degdeg ah wax uga qabanayo dhibaatadan.