U bood dhigaalka

Xarardheere: Shahiid Suulnuuge oo Loogu Magacdaray Dugsiga Sare ee Degmada

Sheeko:Waxbarashada

Degmada Xarardheere ee gobolka Mudug iyo maamulka Galmudug ayaa markaan sare u qaaday magaca Allah unaxariistee Korneyl Cabdi Maxamed Sheikh Xasan (Suulnuuge) oo 6-dii bishaan ku geeriyooday deegaan hoostaga magaalada Camaara ee gobolka Mudug, oo ay ciidanka iyo Al-shabaab ku dirireen.

Warsaadda Waxbarashada Galmudug ayaa qaadatay go’aan ku aadan in maamuus loo sameeyo taliyaha, taas oo keentay in magaciisa astaan looga dhigay Iskuulka hoose dhexe iyo sare ee Xarardheere oo kamid ah degmooyinkii uu Al-shabaab ka saaray intii u uku jiray dagaalka ka dhanka ah Al-shabab ee Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa magac bixinta Iskuulkaan ka shaaciyay munaasabad lagu xusayay sanadguuradii 1-aad ee kasoo wareegatay markii degmada Xarardheere ay soo gashay gacanta dowladda oo Al-shabaab, tan iyo markaas degmadu waxa ay ku tilaabsanaysay hormarro.

Magaalada Xarardheere ayaa 16-kii January 2023 soo gashay gacanta dowladda, ciidanka Gorgor, kuwa daraawiishta Galmudug oo taageero ka helaya ciidanka deeganka ayaa ku faro adeegay degmada inaan dib looga laabanin, waxii intaa ka dambeeyay waxaa dib usoo laabanayay nolosha aasaasiga ee degmada.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo maamulka Galmudug ayaa marar kale duwan booqday, waxaa dib 15 sano loo hirgeliyay dugsiga hoose dhexe iyo saree e degmada Xarardheere, nolosha ayaa caadi u socota.

Magaalada muddo sanad gudihiis ah waxaa siweyn u taabo galay arrimaha bulshada, gaar ahaan dhinaca Waxbarashada, Caafimaadka iyo Ganacsiga, amniga ayaa ah mid sibuuxda ay gacanta ugu hayaan Gorgor oo kamid ah ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka, shacabka iyo ciidanka ayaa wadashaqeeyana.