U bood dhigaalka

Howlgal ka dhan ah Shabaab oo ka dhacay Deegaanno ka tirsan Bay

Howlgalkan ayaa waxa hoggaaminayey Taliyaha Ururka 47-aad Ee guutada 8aad qeybta 60-aad xoogga dalka iyo taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Somaaliyeed X/le Ahmed Maxamed nuur (Ahmed Dhagey)


Howllgalkaan ayaa waxaa si gaar ah loogu Fuliyey Tuulooyinka kala ah; Misgaale warta Kormar, Duurow, mintaanka, Qurunlow Asharaaf, Gololow, Goof Golol iyo Degaanka Hareera Jiifa Ee dhaca Bariga iyo Koonfur Galbeed Ee xiga Degaanka Goof-gaduud Buurey Haraaw Ee Gobalka Baay, howlgalkaan ayaa qeyb ka ah dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab oo wajigiisa labaad dhowaan laga bilaabayo deegaannada Koonfur Galbeed.

Goobahaasi oo Al-shabaab u aheyd maktab ka diwaangalinta jabhada xubnaha ku biiraya kooxda iyo goobo ay lacago ay ku qaadaan dadka ku safraya inta u dhaxeysa gobollada Baay iyo Bobool saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka ayaa in la burburiyay goobahaas, howlgallada nuucaana ay siiwadi doonaan si loo wiiqo awooda kooxda.

Ciidanka xoogga iyo kuwa degaanka ayaa maalmahaan howlgallo ka dhan Al-shabaab kawaday degaanno katirstan gobolka Baay,halkaa oo dagaallo u dhaxeeya ay ka dhaceen taliska xoogga dalka ayaa sheegay in howlgalladaas laga gaaray guulo la taaban karo, xilli ciidanka dowladda howlgalladii ugu dabeeyay ay ka wadaan Hirshabeelle iyo Galmudug si loogu soo jeesto wajiga labaad oo ka bilaabanaya Koonfur Galbeed oo lagu dhowaaqay dhowaan.