U bood dhigaalka

Puntland: Booliiska oo gacanta ku dhigay Koox katirsan Daacish

Booliska Dowlad goboleedka Puntland ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen laba nin oo ajnabi ah oo ka tirsan hugaamiyeyaasha ISIS ee Soomaaliya ku sugan, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Booliiska, waxaana la qabtay deegaan lagu magacaabo Bohol oo ka tirsan gobolka Bari kadib howlgal la sameeyay.

Xassan Ibnu Maxamed Ibnu Xussein oo u dhashay dalka Morocco iyo Maxamed Ibnu Maxamed Axmed oo u dhashay dalka Suuriya ayay sheegeen ciidamada Booliska Puntland in ay gacanta ku dhigeen, sida lagu daabacay bogga ay ku leeyihiin barta Facebook oo warbaahinta lala wadaagay xogta raggaan.
Ciidanka ayaa sheegay in 6-dii bil ee lasoo dhaafay la qabtay tiro “Taliska qeybta Ciidanka Booliska Puntland ee Gobolka Bari ayaa deegaanka Bohol oo ka tirsan degmadda Uffayn Gobolka Bari ku qabtay Horjoogayaal ka tirsan kooxda Argagixisada ISIS/Daacish” ayaa lagu yiri qoraalka Booliiska kasoo baxay.

Lixdii bilood ee la soo dhaafay ayay sheegeen ciidamadu in ay soo qabteen xubno ajnabi ah oo ka kala tirsan ururada Shabaab iyo ISIS ” 6-dii bilood ugu dambeeyay waxay Ciidanka Booliska Puntland gacanta ku dhigeen Kooxo kala duwan kuwaas oo ka tirsan Daacish iyo Shabaab” ayaa la sii raaciyay qoraalka.

Howlgalka lagu soo qabtay raggaan ayaa imaanaya xilli dhowaan ciidanka Puntland howlgallo ay in badan ka sameeyeen gobolka lagu soo qabtay rag kale duwan oo ka tirsan kooxahaan, kuwaas oo u dhashay inta badan Morocco, Suudaan, Suuriya, Itoobiya iyo dhallinyaro ka biirtay kooxahaan Koon-furta Soomaaliya.