U bood dhigaalka

Ciidanka Xoogga oo Howlgal Lagu Dilay Al-shabaab Ka Fuliyay Koonfur Galbeed Soomaaliya

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan ururka 45-aad ee guutada 8-aad qeybta 60-aad ayaa howlgal waxay ay ka sameeyeen qaar kamid ah deegaano ka tirsan gobolka Bay ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ciidanka ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay shan kamid Al-shabaab oo isku aruursanayey deegaanada kala  ah Garas, Eelmereer iyo Kurto oo hoostaga gobolka Bay, howlgalka ayaa waxaa sidoo kale lagu burburiyay goobo ay ku sugnaayeen.

Howlgalka oo uu hoggaaminayey taliyaha ururka 5-aad ee guutada 8-aad X/le Cali Nuur Cali Madoow ayaa warbaahinta qaranka uga warbixiyay xogta howlgalkaan ay sameeyaan ciidanka xoogga dalka ee ku sugan gobolka Baay.