U bood dhigaalka

Howlgallo Lagu Dilay Qaar Ka Tirsan Saraakiisha Al-shabaab oo Ka Kala Dhacay Koonfur Galbeed iyo Galmudug

Howlgallo lagu bartimaameedsaday kooxda Shabaab oo ay iska kaashadeen ciidamo Soomaali iyo saxiibaeeda caalamiga ah ayaa ka kala dhacay Koonfur Galbeed iyo Galmudug, waxaana ka dhashay khasaare soo gaaray Al-shabaabkii lagu qaaday.

Howlgallo ay siiwadajir ah u fuliyeen ciidanka xoogga dalka, iyo saaxiibada caalamiga ah oo ka dhacay deegaanka Jilib-Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa dowladdu sheegtay in lagu qaaday goobo ay ku sugnaayeen Al-shabaab waxaana ka dhashay khasaare sida dowladdu shaacisay.

Deegaankaan oo hoostaga degmada Marka ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa inta howlgalku socday waxaa lagu dilay 30 ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo lagu dilay howlgal dhanka circa iyo Milari ah oo ay ciidanku wadajir u fuliyeen, xilli maalmihii dambe gobolka ay ka socdeen howlgallo.

Hawlgalkan oo soo bilawday waaberigii hore ee saakay ayey ciidammada Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka ku bartilmaameedsadeen goob ay isku urursanayeen Al-shabaab, kuwaas oo xogtooda la helay, iyadoo gacanta looga dhigay saanad ciidan sida laga soo xigtay saraakiil ciidanka ah.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo ku deegaanka ayaa sdidoo kale habeenimadii xalay howgal ka fuliyey deegaanka Faarax-Aaden oo hoos taga degmada Xarardheere gaar ahaan miyiga Jawle ee koonfurta gobolka Mudug, halkaas uu ka dhacay dagaal qaraar kadib markii lagu beegsaday.

Mas’uul ka tirsan degmada Xarar-dheere oo la hadalayay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in howgalkan lagu dilay hoggaamiyeyaal iyo xubno ka tirsan Al-shabaab, kadib markii la weerar goob ay isku uruursanayeen Al-shabaab oo doonayay in ay weerar ku qaadana Xarardheere.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa guud ahaan dalka kawada howgallo isugu jira dhanka cirta iyo howlgallo Milatari ah, waxaana la qorsheynayaa in dhowaan dowladdu qaado howlgal baaxad leh oo laga fulinayo inta badan gobollada dalka gaar ahaan deegaannada Galmudug iyo Hirshabeelle.