U bood dhigaalka

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo Markale u Fariistay Kiiska Eedeysane Macalin Daauud

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta oo Isniin ah taariikhdu ay ku began tahay 26-ka February 2024 markale loo fariisanaysa dhageysiga labaad kiis dacwadeedka loo heysto Sayid Cali Macalin Daauud oo lagu eedeeyay inuu xaaskiisa dil u geystay 26-kii January 2024, kadib markii uu nolosha ku gubay.

Maxkamadda ayaa dhageystay fadhigii koowaad ee kiiska, kaas oo qabsoomay 19-kii February dood dheer kadib iyo dhageysiga labada dhinac, maxkamadda ayaa dalbatay cadeymo iyo marqaatiyo dheeraad ah oo kiiska la xiriira, kiiskaan dacwadda ah ayaa lagu wadaa inuu manta dhinac u dhaco.