U bood dhigaalka

Sacadiyo Bajaaj oo mar kale la soo taagey maxkamadda Gobolka iyo Qareenkeeda oo faahfaahin ka bixiyay kiiska

Juun 23, 2026

Sacdiyo Bajaaj oo wajahaysa eedeymo la xiriira kicin dadweyne ayaa maanta mar kale la hor geeyay Maxkamadda Gobolka Banaadir, iyadoo la la soo gabagabeeyay dhageysiga dacwadda islamarkaana la sugayo go’aanka kama dambaysta ah ee maxkamadda.

Qareenka u doodaya Sacdiyo Bajaaj, Abuukaate Xalane, ayaa sheegay in dhammaan marxaladihii dhageysiga kiiska la soo afjaray, isla markaana hadda la sugayo xukunka ama go’aanka ay maxkamaddu ka gaari doonto dacwadda.

Abuukaate Xalane ayaa sheegay in aysan jirin caddeymo ama marqaatiyo taageeraya eedeymaha loo jeediyay macmiilkiisa oo muddo bilo ah xabsiga ku jirtay, asagoo yiri “Majiro wax cadeymo ah ama marqaati ah oo loo hayo eedeymaha Sacdiyo Bajaaj,” ayuu yiri Abuukaate Xalane.

Dhowaan ayay maxkamaddu dib ugu celisay xeer-ilaalinta dacwadda loo haysto gabadhan, iyadoo ka dalbatay in la dhamaystiro ama la xoojiyo qodobbada iyo caddeymaha la xiriira kiiskan.