U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka oo dalbaday in la dardargeliyo dib-u-habaynta garsoorka Muqdisho

Oktoobar 11, 2026

Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Soomaaliya, Avv. Burhaan Aadan Cumar, ayaa qoraal rasmi ah u diray Guddoomiyaha Golaha Sare ee Garsoorka Dalka ahna Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo ka dalbaday in si degdeg ah loo qaado tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah dib-u-habaynta garsoorka caasimadda Muqdisho.

Qoraalka uu guddoomiyuhu diray ayaa la xiriira hirgelinta qodobbada Dastuurka ee khuseeya garsoorka caasimadda, si loo waafajiyo qaab-dhismeedka iyo habsami-u-socodka hay’adaha garsoorka ee Muqdisho Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Avv. Burhaan Aadan Cumar ayaa codsigiisa ku saleeyay axkaamta ku xusan qodobbada 63aad, 129aad iyo 132aad ee Dastuurka, isaga oo sidoo kale tixraacay Qodobka 191aad, faqraddiisa labaad, kaas oo uu sheegay inuu saldhig u yahay waafajinta arrintan Dastuurka.

Tallaabadan ayaa ku soo aadaysa xilli ay socdaan dadaallada lagu hirgelinayo Dastuurka Soomaaliya iyo waafajinta hay’adaha dowladda iyo nidaamyadooda sharciyeed qodobbada Dastuurka.

Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka ayaa qoraalkiisa ku adkeeyay baahida loo qabo in si degdeg ah loo qaado tallaabooyinka lagama maarmaanka ah, si dib-u-habaynta garsoorka caasimadda loogu waafajiyo Dastuurka dalka.

Hirgelinta qodobbada Dastuurka ee khuseeya garsoorka caasimadda ayaa muhiim u ah dhismaha nidaam garsoor oo ku shaqeeya qaab waafaqsan Dastuurka iyo shuruucda dalka.