U bood dhigaalka

Sacdiya Bajaaj Oo Maanta La Horgeynayo Maxkamadda Gobolka Banaadir

Juun 1, 2026

Muqdisho – Waxaa maanta la filayaa in Maxkamadda Gobolka Banaadir la horkeeno eedeysane Sacdiya Macalim Cali (Sacdiya Bajaaj), oo ay dowladda hore ugu sheegtay inay u heysato eedeymo la xiriira kicinta bulshada iyo falal ka dhan ah amniga guud.

Kiiskan ayaa si weyn u soo jiitay dareenka bulshada, iyadoo la filayo in maxkamaddu bilowdo dhageysiga dacwadda iyo soo bandhigista doodaha hordhaca ah ee dhinacyada kiiska.

Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa hore u sheegay in kiiska Sacdiya Bajaaj loo gudbiyay hay’adaha garsoorka, si loogu qaado tallaabooyin waafaqsan sharciga dalka.

Indhaha shacabka iyo warbaahinta ayaa maanta ku wajahan Maxkamadda Gobolka Banaadir, iyadoo la sugayo sida uu u furmo geeddi-socodka dacwadda iyo go’aannada ka soo bixi kara fadhiga maxkamadeed.