Muqdisho – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta ku xukuntay Sacdiya Macalin Cali oo loo yaqaano Sacdiyo Bajaaj saddex sano oo xarig ah,
sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Saalax Dabaan.
Guddoomiyaha Maxkamadda ayaa sheegay in xukunka la gaaray kaddib markii la dhageystay dacwadda loo haystay Sacdiya Bajaaj, iyadoo maxkamaddu ku heshay dambiyada lagu soo oogay, sida lagu sheegay go’aanka maxkamadda.
“Sacdiya waa lagu xakumay Saddex sano xarig ah waana Ciqaabtii ugu dambeysay ee xukun Waxkayar ayaa lagu xakumi karay mana gadan karto Laakin Waxaa ka qaadan doonnaa Rafcaan”. ayuu yiri Abuukaate Maxamed Shiikh oo u doodayey Sacdiya Bajaaj ayaa sheegay in Sacdiya lagu xakumay Ciqaabtii ugu cusleyd.
Sacdiya Bajaaj ayaa hore loogu eedeeyay kicin dadweyne iyo abaabul falal lagu sheegay inay khalkhal gelin karaan amniga guud. Iyadoo qareenkeedu uu diiday eedeymahaas, Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta ku xukuntay 3 sano oo xabsi ah.