U bood dhigaalka

Maxkamadda Gobolka oo Muddeysay Fadhiga 3-aad Dhageysiga Dacwadda Sayid Cali

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa muddeysay in Maalinta Arbacada ah 06-03-2024 Maxkamadda la horkeeno mar kale Eedeysane Sayid-cali Macalin Daa’uud oo loo haysto eedda ah inuu ka dambeeyay fal lagu gubay xaaskiisii oo uur leh 26 Janaury 2024.

Seyid Cali ayaa laba mar oo hore la horkeenay maxkamadda gobolka Banaadir, waxaana loo baahday cadeymo dheeraad ah, iyadoo lagu wadaa in maalinta Arbacada ah lagu dhawaaqo xukunka ugu dambeeya ee eedeysana lagu fulin doono sida wararku ay sheegayaan.