U bood dhigaalka

Howlgallo Lagu Dilay Xubno Al-shabaab ah oo Ka Dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidanka kumaandoodka Danab  oo kaashanaya saxiibada Caalamka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay degaanno katirsan Shabeellaha Hoose, halkaas oo saraakiishu sheegeen in ay isku abaabulayeen Al-shabaab si ay weerar u qaadaan.

Howlgalka ayay ciidanku ku dileen Seddax katirsanaa Al-shabaab waxaana goobta laga hortagay weerarkii ay damacsanaayeen sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidanka howlgalka fuliyay, ciidanka dowladda ayaa kordhiyay howlgallada socda.

Ciidanka xoogga dalka ayaa maal mahaan howlgallo kawaday degaanno badan oo dhaca maamulada Hirshebeelle,Galmudu iyo jubbada Hoose,halkaas oo dowladda ay sheegtay in laga gaaray guulo badan waxaana lagu beegsaday Al-shabaab.