U bood dhigaalka

Akhriso: Magacyada Shirkado iyo Shakhsiyaad Soomaali ah oo uu Mareykanka u Cunaqabateeyay Sababo Lacagta ay u Dhaqaan iyo Maalgelintooda Shabaab

Xafiiska la socodka Hantida dibadda ah ee ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka ayaa cunaqabateyn kusoo rogay 16 Hey’adood iyo Shakhsiyaad oo ah shabakad isku xiran oo ku baahsan Geeska Afrika, Imaaraadka iyo Qubrus, kuwaas oo lacag dhaqis iyo hanti uruurin u sameeya argigixisada Shabaab iyo Alqaa’ida, ururadan oo mas’uul ka ah weeraro ay ku dhinteen kumannaan aan waxba galabsan.

Mas’uul ku hadlay Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka ayaa sheegay in tallaabadani xididdaha loogu siibayo Shabakadaha Maalgelinta Argigixisada ay qeyb ka tahay dadaalada Dowladda Soomaaliya ee saddex dhinac ula dagaaleysa Shabaab si ay u wiiqdo kooxdan argigixisada ah.

Warbixinta waxaa ku jirta in Kooxda Shabaab ay sanadkii sameyso $100 milyan iyada oo adeegsato baadda ganacsatada, taasi oo ay ku waxyeeleyo Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.

Kuwa Lacagta udhaqa Shabaab ee Geeska Afrika iyo UAE;

Shirkadda Haleel “Haleel Commodities L.L.C., oo loo yaqaan “Haleel Group”, oo xafiisyo ku leh Somalia, Kenya, Uganda, iyo Cyprus iyada lacagta u dhaqda Shabaab, waxaa kale oo ay shirkadda leedahay Hoteelo, Soomaaliya waxaa ay ku leedahay Haleel Electronics

Qemat Al Najah General Trading oo saldhigeedu yahay Imaaraadka ayaa ka mid ah hey’adaha ay Mareykanku sheegeen in ay lacagaha u dhaqaan isla markaana ay maalgeliyaan Shabaab iyaga oo xiriir la leh Haleel Group.

Faysal Yusuf Dini (Dini) iyo Maxamed Jumale Cali Cawale oo shirko ah waxaa ay ka shaqeeyaan Kenya, Alshabaab ayay lacagta u dhaqaan isla maraakana ay maalgeliyaan mashaariicdooda iyaga ku shaqeysa Crown Bus Services kaas oo Shabaab u isticmaalaan Saadka.

Xasan Cabdiraxmaan Maxamed oo ah Soomaali saldhiggiisu yahay Finland, waxaa uu xawaaladaha u isticmaalaa taageeridda maaliyadeed ee Shabaab, waxaa uu xiriir la leeyahay Haleel Group iyo Qemat Al Najah General Trading, waxaa kale oo kujira Maxamed Cartan Rooble oo deggan iyo Cabdiqani Faarax Maxamed oo Soomaaliya deggan, dhammaan waax koox isku xiran oo lacagta u dhaqda Shabaab.

Farxaan Xussein Hayder (Hayder) oo ah maamulaha Haleel Group’s ee Kenya, Uganda, Cyprus, iyo UAE, waxaa uu taageeraa Shabaab, waxaa kala oo ka mid ah Cabdiqaadir Cumar Cabdullahi iyo Xeydar oo Haleel u fadhiya Uganda kuwaas oo iyaguna lacagaha u xawila Shabaab.

Waxaa kale oo cunaqabteynta ku jira dhammaan xafiisyada Holeel ee Kenya, Uganda, Soomaaliya iyo UAE.

Tallaabadan la qaaday ayaa ka dhigan in hey’adaha iyo shakhsiyaadka halkan ku xusan la joojiyo wixii dhaqdhaqaaq maaliyadeed ah iyo hantida, waxaa kale oo la mamnuucay in lala tacaamulo.