U bood dhigaalka

Ciidamada Deegaanka oo Howlgallo Ka Fuliyay Deegaanno Hoostaga Xarardheere

Ciidanka deegaanka ee dib u xoreynta ee ka howlgala aagga degmada Xarardheere Koonfurta gobolka Mudug ayaa qaaday howlgallo ay dhowr deegaanno uga sifeeyeen Al-shabaab, kuwaas oo hoostaga magaalada Xarardheere.

Deegaanka Galcad-jiimo iyo deegaano kale oo hoostaga Degamada ee Gobalka Mudug ayey Ciidanku Kala wareegeen Al-shabaab, Kuwaasi oo kooxda  u ahaa goobo ay ku sugnaayeen, ciidanka ayaa hore dhowr howlgal uga fuliyay.

Cabduqaadir Kadiido oo ka tirsan Saraakiisha hogaamineysay Ciidanka ay fuliyeen ayaa tilmaamay in howlgalada Ciidanka ee ka dhanka ah Al-shabaab ay sii wadi doonaan howlgallada ka socda Mudug inta Al-shabaab laga saarayo.

Taliyaha waxaa uu tilmaamay howlgalada ka socda aaga degamada Xarardheere in Al-shabaab lagu gaarsiiyay khasaare xooggan sidoo kale lagu dilay xubno ka tirsan kooxda sida ay sheegeen saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka.