U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Sheegay in Dowladdu Hormarinayso xarumaha Diiniga

Sheeko:Waxbarashada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay Tartanka Quraanka Kariimka ah ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan ayaa tilmaamay in dowladdu ay mudnaan gaar ah siinayso horumarinta xarumaha waxbarashada diiniga ah, isla markaana dowladnimada Soomaaliyeed ay aas-aas u tahay ilaalinta diinta iyo ku dhaqanka shareecadda Islaamka.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay wiilasha iyo gabdhaha ka qeyb-galaya Tartanka Quraanka Kariimka ah ee uu hirgaliyay Madaxweynaha JFS, culimada iyo Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ee soo qaban qaabisay waxaa uuna tilmaamay in ay ka tarjumeyso sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ugu dheggan yihiin diintooda suubban, ugana shaqeynayaan barashadeeda iyo ku dhaqankeeda.