U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda iyo Al-shabaab oo Ku Dagaalamay Deegaanno Ka Tirsan Shabeellaha Hoose

Dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidanka Booliso Milatare iyo Al-shabaab ayaa saakay ka dhacay deegaanka Dhanaane oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose, kaas oo dhowaan lagala wareegay Al-shabaab, xilli dagaalka uu ka dhashay khasaare xooggan oo soo gala gaaray labada dhinac eek u dagaalamay halkaasi.

Weerarka oo ku bilowday qaraxyo ayaa Al-Shabaab waxa ay ku qaadeen ciidamo ka tirsan dowladda oo ku sugnaa deegaan lagu magacaabo Busleey oo ku aadan xeebta Jazeera ee koonfurta Muqdisho, iyadoo uu xigay dagaal xooggan oo dhexmaray labada dhinac oo muddo halkaasi ka socday sida la helayo.

Ciidanka Boliis Milatariya ayaa dagaalkaas ku waayay Sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka dowladda, kaas oo lagu magacaabo Liibaan Golcad, waxaana jirin wax war ah oo kasoo baxay oo ku aadan dagaalka ka dhacay halkaasi, xilli saraakiishu ay sheegtay in kooxdii dagaalka soo qaaday lagu jabiyay goobtaasi.

Ciidanka dowladda oo maalmihii dambe howlgallo gaar ah ka waday deegaannada Dhanaane iyo Jilib Marka ayaa halkaas kula wareegay goobo muddo dheer ay ku sugnaayeen Al-shabaab, waxaana halkii lagu dagaalamay sidoo kale gaaray ciidamo gurmad ahaa oo ka tirsan dowladda oo Muqdisho ka baxay.

Dagaalka ka dhacay deegaanka Busley ayaa kusoo aadaya xilli dowladdu ku dhawaaqday in gobolka Shabeellaha hoose dhowaan laga fulinayo howlgal baaxad leh, kaas oo looga golleeyahay sidii kooxda Al-shabaab looga saari lahaa deegaannada ay kaga sugan yihiin gobolka oo muddo howlgallo laga wado.