U bood dhigaalka

Golaha Ammaanka oo Ku Guuleystay Meelmarinta Xabadjoojin Ka Dhaqangasha Qaza iyo Mareykanka oo Ka Aamusay

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meelmariyey qaraar cusub oo dalbanaya xabbad-joojin degdeg ah oo ka hirgasha marinka Qaza, inta lagu guda jiro bishan barakaysan ee Ramadan, taas oo haatan maraysa kala badh, waxaana qaraarka lagu dalbaya gaarsiinta gargaar degdeg ah halkaasi.


Qaraarkan ayaa sidoo kale dalbanaya in si degdeg ah oo bilaa shuruud ah loo sii daayo dhammaan la haystayaasha, lana qaado dhammaan caqabadaha la hordhigay gargaarka bini’aadanimo iyo in bedqabka dadka rayidka ah ee Qaza, kuwaas oo maraya xaaladdii ugu adkeyd sida Qaramada Midoobey laga xigtay.


Qaraarkan ayay soo diyaariyeen 10-ka xubnood ee meertada ah ee ku jira golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaana meelmariyey 14 dal, halka Maraykanku uu ka aamusay, taasoo fududaysay in qaraarkani dhaqangalo, maadaama uu sidoo kale saarin codkiisa diidmada qayaxan.


Qaraarkaan ayaa ah markii sideedaad ee golaha ammaanku isku dayo inuu qaraar xabbad-joojineed ka soo saaro dagaalka Qaza, hase ahaatee intooda badan wuu ku guuldaraystay, kadib markii Mareykan uu saaray codkiisa diidamada qayaxan ah, taas oo mashaakilka sii kordhisay laakiin kan ayuu ka aamusay.


Golaha ammaanka ayaa arrintaan u arka guul cadaadis lagu saari karo Israel in ay ku joojiso xasuuqa ay ka wado marinka Qaza, xilli Rafax ay ku xayioran yihiin gawaari xamuul ah oo urarnaa Waqooyiga oo sida gargaar, kaas oo ay hakiyeen ciidanka Israel, waxaana ka dhashay dhaleeceyn xooggan oo loo jeediyay.


Dagaalka Qaza oo bilow October 2023 ayaa galaaftay nolosha in ka badan 35,000 oo Falastiiniyiin ah oo caruur iyo haween u badan, waxaana maalmihii ugu dambeeyay lasoo warinayay dhacdooyin xanuun badan oo ka dhacay Qaza oo ay ugu dambeysay dad shacab ah oo gawaarida Taangiga la dul marsiiyay.