U bood dhigaalka

Howlgallo Lagu Dilay In ka badan 80 Al-shabaab ah oo Ka Kala Dhacay Mudug’ Shabeellaha Dhexe iyo Bakool

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgallo ka kala dhacay gobollada Mudug iyo Galgaduud lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab, howlgalladaan ayaa ahaa kuwa ay iskakaashadeen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caaralamiga ah, waxaana lagu dilay 80 xubnooda sida laga soo xigtay.

Hawlgalka koowaad oo ka dhacay deegaanka bacaadka Faarax Aadan oo hoos taga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, halkaas oo la sheegay iney isku aruursanayeen xubno ka tirsan kooxda oo rabay iney weerar ku qaadaan degmada,  iyadoo lagu dilay 40 xubnood oo Shabaab ah sida dowladdu ay shaacisay.

Hawlgalka labaad oo ka dhacay hawdka Fiiqaay oo 15km qiyaastii u jira deegaanka Daaru-Nicma ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa halkaas waxaa dowladdu sheegtay in lagu dilay in ka badan 35 xubnood waxaana iska kaashaday ciidanka dowladda iyo saaxiibada caalamiga ah oo ka taageerayay howlgalkaasi.

Hawlgalkaan oo  lagu burburiyay gaadiid dagaal iyo saanad ciidan howlgalkaan ayaa waxaa lagu qaaday goob ay isku uruursanayeen xubno Al-shabaab ah, kadib dagaalkii ka dhacay shalay subixii deegaanka waxaana dhowr jeer ka dhacay dagaallo kooxda ay ku soo qaaday halkaasi oo lagu jabiyay marar badan.

Hawlgalka Seddaxaad ayaa ka dhacay saldhig ay Al-shabaab  ku lahaayeen deegaanno hoos taga degmada Waajid ee gobalka Bakool, waxaana halkaas lagu dilay lix xubnood sida lagu baahiyay warbaahinta dowladda howlgalladaan ayaa qeyb ka ah sidii loo wiiqi lahaa awoodda Al-shabaab.

Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa xoogagga shacabka ayaa wada howlgallo qorshuhu yahay sidii Al-shabaab looga saari lahaa deegaannada ay kaga sugan yihiin gobollada dalka howlgallada ugu adag ayaa ka socda Galmudug, Hirshabeelle iyo qeybo kamid ah Koonfur Galbeed.